Buugan yar waxa ku qoran macluumaad loogu talo galay qofka loo qorey Eliquis®

Eliquis® Qoraalkan bukaanka

Eliquis® qoraalka bukaan socodka waxa lagu heli karaa 8 luqadood, weydii kalkaalisadaada ama dhakhtarkaaga.

Haddii aad u baahan tahay aqoon dheeraad ah oo ku sabsan xinjiraha uu wato wadne garaaca yar een caadiga aheyn ama cudur xididada xinjiraha dhiiga socodkiisa kala xidha, tag www.blodproppsskolan.se

WAA MAXAY ELIQUIS®?

Waxa laguu siiyey buugan yar maadaama uu dhakhtarkaagu kuu qorey Eliquis® (apixaban). Ama waxaad qabtaa wadne garaac aan caadi aheyn oo waxa laguu siiyey Eliquis® si loo yareeyo khatarta istrooga ay keento ama hadidii kale waxaad leedahay xinjir luugta ahu ama sanbabka adigoo markaa lagu siiyey Eliquis® si lagaaga daweeyo xinjirtaa.

Buuganyar waxa lagu sharxayaa sababaha caadiga ah ee keena cudurkaaga, calaamadaha caadiga, waxaad sameyn karto si aad u dhinto khatarta inuu kugu dhaco iyo wixii talooyin ah ee daaweynta Eliquis® ku sabsan iyo wixii kale ee dheeraad ah.

Qeybo ka mid ah buuga yar waxay guud ahaan u siman yihiin Eliquis® iyadoon cudurka noociisa loo eegeyn. Waxa kale oo jira laba qeybood oo iftiiminaaya WADNE GARAACA YAR EE AAN JOOGTADA AHEYN ama XINJIRTA LUGTA AMA SANBABKA ka taxadir inaad akhrida jabterka adiga ku khuseeya.

Waxa kale oo lagugu dhiirigalinayaa inaad akhrido qoraalka ku lifaaqan ee ku dhex jirta daawadaada. Waxa aad taas dib uga helaysaa www.fass.se.

QOFKA QABA WADNE GARAACA YAR EE AAN JOOGTADA AHEYN

Wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn waa xaalad wadnaha ah oo keenta inuu wadnahaagu degdeg iyo si aan isla haysan iskugu garaaco

Dad badan oo qaba wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn ayaan wax calaamad ah dareemin, laakiin waxaad dareemi kartaa wadne garaac degdeg ah iyo/ama garaaca wadnaha oo aan joogto aheyn. Dadka qaar ayaa taas ku sifeeya ”wadne gariir” Calaamadaha kale ee imaan kara waxa ka mid ah:

  • daal
  • hiin raag
  • laab xanuun
  • dawakhaad

Sidee ayay noqon kartaa?

Waxa lala noolaan karaa wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn kaas oo noloshaadoo dhan kolba kugu soo kacaaya. Marmarka qaarkood ayaa loo baahan karaa daaweyn. Aadna waa ay u kala duwan tahay inta jeer ee uu kolba kugu soo kacaayo iyo xanuunku inta uu ku dhibaayo. Dadka qaar ayaa leh kacdoon dhowrkii sanoba mar ah, halka ay dadka qaar todobaadkiiba mar ku soo kacdo. Dadka qaar ma dareemaan kacdoonka halka ay kuwa kale dhibaato badan la kullmaan. Inta u udhaxaysa kacdoonada ayaa si caadi ah loo noolaadaa. Kolba marka ay ka sii badnaato xiliga uu qofka dhibaatadu ka haysatay wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn ayay kolba kaga sii adkaataa inuu qofku ka waa bogsado.

Wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn waxa uu imaan karaa kaligiis ”goog-goos”, kaasoo socda dhowr daqiiqo ilaa dhow maalmood. Waxa loo yaqaanaa kaas ”paroxysmalt förmaksflimmer”, taas oo ay micnaheedu tahay inuu ”wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn uu ku yimaado kacdoon ahaan”. Waxa kale oo jira wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn kaas oo lagu micneyn karo mid aan ”Tagaynin” ama ”joogto ah”. Taas micnaheedu waxa weeye in wadne dicifku mar kasta joogo.

Wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn waxa keena marka unugyada maamula garaaca wadnahaagu aanay sidii laagu talo galay u shaqeynin. Taas waxay keentaa in maamulka habdhaca wadnaha ee caadiga ahi uu khalkhal galo oo uu markaa maamuli karin garaacii wadnaha.

Wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn waxuu keenaa in labada qeybood ee sare ee wadnahu anay isku soo noqon karin sidii loogu talo galay, iyadoo markaa aan dhiiga caadi loo tuuri karin. Qeybta noocan ah ee wadnaha waxa loo yaqaanaa qeybta sare (förmak) waana sababta loogu yaqaano förmaksflimmer.

Waxa keena wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn

Sababta saxa ah ee keenta wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn. lama garanaayo, laakiin khatartu waa ay sii korodhaa marka la weynaado iyadoo caado u ah dadka qaba dhibaatooyinka kale ee wadnaha.

Tusaale ahaan:

  • dhiiig karka
  • uu cidhiidhi noqdo/istaago xididka halbowlaha ee wadnaha dhiiga siiya
  • wadnuhu istaago
  • cudur wadnaha ah oo lagu soo dhasho ama wax qaliin wadnaha ah ka dib yimaada
  • tubaakada
  • kaafeega
  • aad u isticmaalida khamrada
  • Istareeska
  • wadne joogsiga
  • isbadel hormoonka dheefshiiidka (hormoonka dheefshiidka oo kacsan)

MUXUU WADNE GARAACA YAR EE AAN JOOGTADA AHEYN KEENI KARAA?

Khatarta ugu weyn ee wadna garaaca yar een aan caadiga aheyn waa istroog.

Maadaama oo dhiigii aan wadnaha si sax ah looga tuureyn, ayuu ku ururri karaa wadnaha halkaas oo ay xinjiro ku sameysmaan taas oo ah dhiiga ururay. Hadii ay xinjirtu soo dhaafto wadnaha oo ay soo gasho xididada yaryar ee maskaxda ayay awdaa socodkii dhiiga taas oo keenta istroog.

Dadka qaba wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn waxay khatar dheeraad ah ugu jiraan inuu istaroog ku dhaco marka la garab dhigo dadka aan qabin wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn.

CALAAMADAHA UU WATO ISTAROOGU?

Istaroogu hal mar ayuu kugu soo boodi karaa. Waa inaad dhakhso uga jawaab celiso. Halkan ayay ku qoran yihiin waxyaalo aad u fiirsan karto, kuwaasoo kaa cawin doona inaad garato istarooga.

Ku tijaabi istarooga tijaabada-AKUT

WAJIGA

Wajigoo ku dheeraada?
Qosol oo tus ilkaha.
Miyuu qofka wajigu kala janjeedhaa?
Has the face fallen on one side?
Daanka oo laalaada?
WAC 112

QEYBAHA JIDHKA

Gacan miyey ku qalashay?
Gacanta kor u qaad oo 10 daqiiqo kor u hay.
Miyaa ay dadku leeyihiin calaamad awood daro ah/qalal mid ka mid ah gacanta?
WAC 112

HADALKA

Ay ku adagtahey inuu hadlo, wax akhriyo ama hadalka fahmo? Dhisto jumlad: “Jawigu wuu fiican yahay maanta”.
Miyey qofka ku adagtahay inuu kalmada helo, uu kalmada saxa ah yidhaahdo ama uu hadro?
WAC 112

WAKHTIGA

Calaamadahu waxay ku yimaadaan kadis oo waa in markaas si dhakhso ah loo daweeyo!

Calaamadaha kale waxay noqon karaa awood darada ama kabuubyada/qallal dhinac jidhka ah, aragtida oo aad weydo ama uu shucaac indhaha ama il kaliya kaa galo, dawakhaad, wareer ama miisaankoo kaa luma.

Hadii aad hesho qaar ka mid ah calaamadahaas waa inaad dhakhso ula xidhiidhaa dhakhtar.

Sidan ayaad ku yaraynaysaa khatarta wadne dicifka

Mararka uu kugu dhaco wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn iyadoo ay jirto sabab gaar ah oo keentey taas, ayaad adigu isku deyi doontaa inaad dhinto khatarta adigoo iska ilaalinaaya sababaha keenaaya. Waxaad iska deyn cabitaanka khamriga, iska ilaali inay kugu dhacaan xaaladaha istareeska ama isku dey inaad kala hadasho dhakhtarkaaga inaad iska badasho daawad.

Qaar badan awood uma laha inay wax ka qabtaan xaaladaha saameynaaya wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn. Waxay tusaale ayaan bilaabmi karaan marka la hurdo. Adigoo iska deynaaya cabitaanka sigaarka, aad iska yarayso cuntada duxda badan leh oo aad jimicsi sameyso ayaad ku yareyn kartaa khatarta inay kugu dhacaan cudurada wadnaha iyo xididada dhiigu, kuwaas oo iyana dhimi kara inuu kugu dhaco wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn. Waxa kale oo daawo lagu dhimi karaa tirada inta jeer ee uu kugu soo kacaayo.

DAAWADA FURFURTA DHIIGA

Daawada dhiiga furfurta (lidka xinjirowga) waa daawo keenta in dhiigu si ka degdeg yar u xinjiroobo.

Waxay kaa caawisaa ka hortaga xinjiraha sababa istarooga.

Dhakhtarkaaga ayaa si taxadir leh u qiimeeyey khatarta uu istaroogu kuugu dhacaayo isagoo go'aansadey inaad qaadato daawada Eliquis®.

Sababta laguu siiyey Eliquis® waa in la dhimo khatarta uu kuugu dhacaayo istaroog uu keenaayo wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn.

DAAWADAADA

U qaado markasta Eliquis® sida uu dhakhtarkaagu kuug qorey.

Eliquis® waxa la qaataa 2 jeer maalintii, tusaale ahaan hal mar arroortii iyo hal mar fiidkii. Isku dey inaad kiniinka qaadato wakhti siman maalin walba. Waxay kuu dhibyaraan kara hadii aad leedahay wax kale oo maalintii aad sameeyo labo jeer oo lala qaato.

Dawska caadiga ah ee Eliquis® waa 5 mg-kiniin ah oo laba jeer la qaato maalintii. (bukaan socodka qaarkood ayaa loo qoraa 2.5 mg laba jeer maalintii).

Waa inaad koob biyo ah ku wada liqdo kiniinka Eliquis®. Waxaad la qaadan kartaa cunto ama cunto la'an. Kiniinka waa la jajabin karaa hadii ay kugu adagtey inaad liqdo.

Haddii loo baahdo, waxaad galka ka saari kartaa kiniinada Eliquis® iyagoo aad ku ridi daws qiyaasaha.

Waxaad soo gudbin kartaa dalabkaaga ku wajahan aaladaha ku caawinaaya si aad u xasuusato inaad qaadato kiniinkaaga. Waxaanu u naqaanaa aaladahaa ”Continuum of Care”. Weydii dhakhtarkaaga ama kalkaalisadaada.

QOFKA LUGTA AMA SANBABKA KU LEH XINJIR

Marka ay xinjir kugu sameysanto ayuu dhiigu isku ururayaa oo uu xinjir xididka dhexdiisa ku sameynayaa. Xinjirta ayaa adkeynaysa inuu dhiigu saani xididka u dhex maro. Xinjir la ogaado oo la daaweeyo xili hore ayaan inta badan wax dhib ah keenin, laakiin Xinjiraha ayaa inta badan lagu arkaa lugaha iyadoo inta badan ay mid kubka ka mid ah ka bilaabanto. Ma badna in labada lugoodba laga helo xinjir isla mar.

Raadso daryeel

Hadii aad isleedahay waxa kugu dhacay jincir waa inaad si degdeg ah uga raadsato daryeel rugta caafimadka ama gargaarka degdega ah.

SABABTA KEENTA XINJIRTA LUGAHA AMA SANBABKA

Waxay khatartu ku badan tahay cida mid lugaha ka mid ah ama sanbabada ku helaan xinjir ee:

  • qaba infegshan
  • ka weyn 65 jir
  • uur leh
  • misaan aad u weyn
  • sigaarka caba
  • qaba kansar, gaar ahaan marka qaliin lagu sameeyo ama hadii lagugu daaweeyo kiimikada
  • leh unugyada dhiiga oo tiradoodu si aan caadi aheyn ay u yartahey
  • isticmaala kiniinka dhalmada joojiya ama daawooyinka kale ee ay ku jiraan ostarajiinku

Hadii aan qofku dhaqdhaqaaqin oo aanu isticmaalin kubabka ayuu wareega dhiigu ee lugahu noqonayaa mid aayar socda, taas oo dhibyareynaysa inay xinjirahu sameysmaan. Ka fikir taas marka aad wax badan fadhido sida safar diyaarada oo dheer. Waxa taladu tahay in aad sameyso cidhibta oo kor loo qaado oo in yar la socdo marka aad wax badan meel fadhido.

Xinjirta dhiiga ama sanbabka ayaa si dhibyar u sameysmi karta hadii aad leedahay taagdaro/xanuuno xaga awood dhiigu ku xinjiroobaayo ama xinjirtu ku furfurmayso. Halkan ayaa hidaraacu door ka ciyaari karaa.

MAXAY XINJIRTA DHIIGU KEENI KARTAA

Xinjir qotodheer oo xididada halbawlayaasha ah oo la helo lana daaweeyo xili hore ayaan inta badan aheyn wax khatar ah iyadoo aan keenin wax dhibaato waarta ah. Xinjir xididada arooriyayasha ee lugta dhexdeeda ah oo korta lana daaweyn ayaa, iyadu adag in la daaweeyo iyadoo si xun u jooojin karta wareega dhiiga. Xinjir ku taala xidid halbawle ah ayaa dhererkeedu noqon karaa dhowr disimitir. Xinjirta noocan ah oo ku taala kubka ayaa sii weynaan karta iyadoo hadhow gaadhi karta xididada halbawlayaasha ee bawdada iyo miskaha.

Xinjiraha ku sameysma xididada halbawlayaasha ee lugta iyo misigta ayaa go i karta oo raaci karta dhiiga taas oo ku dhagi karta mid ka mid ah sanbabka ama labadaba. Markaliya oo naqasku kugu dhago, qufac ama oof ku qabata markaad neefsanayso ayaa calaam u noqon karta in xinjir dhiiga raacdey ay sanbabka ku dhagtey.

Waxa muhiim ah inaad daawo ka hesho xinjirtaada iyadoo hadii kale go i karta oo sanbabka tagi karta, taas oo keeni karta in neeftu ku qabato.

Calaamadaha caadiga ah:

  • kubka oo ku barara oo kuleyl ku noqda, marmarka qaarkood ku casaada ama midabkiisu isbadalo
  • lugtu ku cuslaato
  • lugtu ku xanuunto gaar ahaan markaad socoto ee aad isticmaasho muruqaaga kubka
  • kubka ayaa ku xanuunaya oo giigsan marka la taabto
  • xididada dhiiga maaarka saar ee lugta ayaa si cad loo arki karaa iyadoo aad dareemaysid xanuun
  • waxaad yeelan kartaa xumad

DAAWADA

Si aad uga hortagto xinjirta lugta ayay muhiim tahay in lugta la dhaqdhaqaajiyo inta ugu badan ee la sameyn karo xataa hadii aad sariirta saarantey ama uu fadhigaagu badan yahay. In la joojiyo sigaarka oo miisaanka la dhimo ayaa iyana yareysa khatarta ay xinjirtu kuugu dhacayso.

Xinjirta waa in uu dhakhtar daaweeyo iyadoo caadi ahaan la qaato daawooyinka dhiiga khafiifiya. Daaweyntu waxay jidhka ka caawisaa inuu furfuro xinjirta si uu xididku isku furfuro iyadoo ay iyana hoos u dhacayso khatarta ay xinjir cusubi kuugu sameysmayso.

Hadii aad lugta ku leedahay xinjir waxa inta badan la isticmaalaa sharabaado ku kaalmeynaaya xiliga aad helayso daaweynta iyo ka diba.

SIDEE AYAAD UQAADANAYSAA ELIQUIS®

U qaado markasta Eliquis® sida uu dhakhtarkaagu kuugu qorey. Marka lagaa daaweynaayo xinjiraha lugta ama sanbabka waxa caadi ahaan aad daawada u qaadanaysaa sidan soo socota:

CAADI AHAAN waa inaad qaadato LABA kiniin oo 5 mg ah aroortii iyo laba kiniin oo 5 mg ah habeenkii mudo 7 maalmood ah.

Kadibna haaf ayaad ka dhigeysaa inta kiniin ee aad qaadanayso iyadoo aad qaadanayso HAL kiniin oo 5 mg ah aroortii iyo habeenkii mudo 3 bilood ah.

Hadii aad qabto xinjir soo noqnoqonaysa ayaa laga yaabaa inaad qaadato daawadaada dhiiga furfuraysa mudo dhowr sanadood ah. Ha joojin ilaa inta uu dhakhtarkaagu kuu sheegaayo inaad joojiso, sidaas waxa loo sameynayaa in la dhimo khatarta ay keento saameynta daaweynta xun iyo khatarta inay dib kuugu soo noqoto. Waxaad ka akhriyi kartaa wax dheeraad ah oo sidaad Eliquis® u isticmaalayso ku sabsan warqada ku lifaaqan baakeedka daawadaada.

WAXYAALAHA LAGA FIKIRAAYO

Dhibaatooyinka xinjiraha lugaha iyo sambabada

Qiyaastii 30% dadka ay xinjirahu ku dhaceen waxay marlabaad helaan xinjir cusub 10 sanno gudahood. Sidaad daraadeed ayay muhiim tahay inaad ogtahey calaamadaha oo aad la socoto kuwaas dhakhtarna degdeg u raadsato. Isla dhowrka bilood ee ugu horeeyaee marka la dhameeyo daaweynta kadib ayay imaan kartaa xinjir cusub oo kusameysanta bukaan socodka qaarkood markaas ayay muhiim tahay in dhakhtar sida ugu dhakhsaha badan loo raadsado.

Dhaqdhaqaaq samee

Si aad uga hor tagto xinjiraha lugta ayay muhiim tahay in la isticmaalo muruqyada kubka. Marka qofku aanu isticmaalin muruqyadiisa kubka ayaa socodka dhiigu xumaadaa iyadoo lugtu ay barari karto. Taasi waxa weeye hadii uu qofku jiifo, fadhiyo ama taagan yahay.

Wey wanaagsan tahay in lasoo socsocdo. Hadii uu qofku sariirta jiifo ayaa uu isku deyi karaa inuu cagaha dhaqdhaqaajiyo, inyar ruxrux faraha iyadoo aad dhowr jeer lugaha dhaqdhaqaajinayso maalin walba. Muruqyada kubka isasoo jiidashadooda ayaa xididada isku cadaadinaaya kana caawinaaya in dhiigu xaga wadnaha aado.

Hadii aad wax badan meel fadhido, tusaale ahaan safar diyaaradeed, waxa muhiim ah in si joogto ah loo socsocdo lugtana lagu istaago. Waxa ka sii fiican in diyaarada dhexdeeda la socsocdo, hadii fursad aad u haysato. Waxa kale oo la isticmaali karaa sharabaad kaa caawiya si aad uga hor tagto xinjirta hadii aad wax badan meel fadhiyayso, tusaale ahaan marka la safraayo. Sharabaadada ku caawinaaya waxaad ka soo iibsan kartaa farmasiiga ama dukaanka iibiya waxyaalaha kala duwan ee kaalmada. Waxa markasta wanaagsan in cida gadeysa la weydiiyo talo ku sabsan qiyaastaada (lambarkaaga).

Hadii aad cabitaanka sigaarka joojiso oo aad miisaankaaga dhinto ayaad hoos u dhigeysaa khatarta aad ku helayso xinjirta xididada halbawlayaasha.

WAXYAABAHA AAD U BAAHAN TAHAY INAAD KA FIKIRTO MARKAA QAADANAYSO ELIQUIS®

Maxaan sameynayaa hadii aan qaatey wax dawskeyga Eligius® ka badan

Isla markaaba u sheeg dhakhtarkaaga ama kalkaalisadaada hadii aad qaadatey wax ka badan dowskaaga Eliquis®. Dhakhtarka u sii qaado baakeedka daawado, xataa hadii anay wax kiniin ahi ku hadhsaneyn. Hadii aad qaadato wax dheeraad ah oo inta laguugu talo galay ee Eliquis® ah ayaad yeelan kartaa khatar dheerad ah oo dhiig bixis ah.

Hadii aad galayso wax qaliin ah, cad laga soo goynaayo ama daaweynta ilkaha waa inaad u sheegto dhakhtarkaaga ama dhakhtarkaaga ilkaha inaad qaadanayso Eliquis®. Waxa laga yaabaa inaad joojiso Eliquis® ama aad yara hakiso.

Ka fikir inaad u sheegto dhakhtarkaaga ama dhakhtarkaaga ilkaha hadii aad qaadato daawooyin kale, marka lagu daro daawooyinka aan warqada u baahneyn iyo daawooyinka dabiiciga ah (tusaale ahaan johannesört)

Isticmaal hadaad doonto siliska Eliquis® ama kaadhka boorsada lacagta lagu rito. Waa ”badbaado” fiican hadii uu shil kugu dhaco dalka dibadiisa iyo Iswiidhan dhexdeedaba.

Daawooyinka qaarkood iyo kaabeyaasha nafaqada cuntada ayaa qas galin kara awooda dhiig furfurista ee Eliquis® iyadoo markaa kordhin kara khatarta dhiig baxista ama ka dhigi kara inay daawadu waxba tarin.

Waxaad lifaaqa baakedka daawada ku jira ka helaysaa liistada dhan ee daawooyinka saameyn kara Eliquis®.

Waa inaanad qaadan Eliquis® hadii aad uur leedahay, naaska nuujinayso aad leedahay xanuun kalyaha ama dhibaatooyin dhiiga hadii aan dhakhtarkaagu waxba kuu sheegin kadib marka uu helay macluumaadkan. Kadib xasuusnow inaad u sheegto dhakhtarkaaga hadii ay mid ka mid ah taas ku khuseyso.

Mudo intee leeg ayaad qaadanaysaa Eliquis®

Inta ay soconayso daaweynta Eliquis® waa ay kala duwanaan kartaa, dadka qaarkood waxay qaadan karaan wakhti aan xadidneyn. Waa inaad markasta raacdo talooyinka dhakhtarka iyadoo aad sii wadeyso qaadashada daawada ilaa inta uu dhakhtarku kuu sheegay inaad wado.

HA JOOJIN INAAD QAADATO ELIQUIS® KA HOR INTAANAD KALA HADLIN TAAS DHAKHTARKAAGA

Maxaan sameynayaa hadii aan iloobey hal dows?

Hadii aad ilowdey inad qaadato hal dows oo Eliquis® ah, waa inaad kiniinka qaadato sida ugu dhakhsaha badan ee aad ugu xasuusato, kadibna qaado caadi u qaado xiligeedii kiniinkaaga xigta ee Eliquis® kadibna si caadi ah u wad. Hadii aanad hubin waa inaad weydiiso dhakhtarkaaga ama cida maamulaysa daaweyntaada.

WAXYEELOOYINKA IMAAN KARA

Sida dhamaan daawooyinka ayay Eliquis® keentaa waxyeelooyin laakiin cid kastaa ma hesho kuwaas.

Wixii dheerad ah ee ku sabsan waxyeelooyinka ayaad ka sii akhriyi kartaa lifaaqa la socda ee ku jira baakeedka.

Sida daawooyinka kale ee la midka ah (daawooyinka dhiiga furfura) ayay Eliquis® keeni kartaa dhiigbax u baahan kara daaweyn degdeg ah.

Waxyeelooyinka kale ee imaan kara waa sida xagtimo, dhiig saxarada soo raaca (kaas oo midabka ka dhiga casuus ama guduud) ama sanboor, xataa yalalugo aya imaan karta. Wixii dhiigbax kadis ah la xidhiidh dhakhtarkaaga ama kalkaalisadaada.

U sheeg dhakhtarkaaga, ama shaqaalaha farmasiiga ama kalkaalisada hadii ay kugu dhacaan wax waxyeelooyinka ahi, xataa hadii aanay ku qorneyn lifaaqa ama qoraalkan yar.

Markasta u sheeg dhakhtarkaaga iyo dhakhtarkaaga ilkaha inaad qaadanayso Eliquis®. Hadii lagu qalaayo ama wax ilkaha lagaaga sameynaayo u sheeg markasta inaad qaadanayso Eliquis®, taas oo loo baahan karo in jidhka laga saaro maalin ama laba qaliinka ka hor ama hadii ilig lagaa saaraayo.

SI FAACIMAAD QABTA U NOOLOW

Hab nololeed caafimaad qaba iyo daawo ayaa wadajir ku xalinaysaa wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn. Ka fikir in sababaha hab nololeedka iyo sida uu adiga kuu saameynaayo.

  • Cuntada: cun midho iyo khudaar darey ah oo badan iska ilaali duxda badan iyo cuntada la warshadeeyey ama cuntada diyaarka ah ee la soo iibsado. Sidaad ayaad ka qeyb qaadanaysaa inaad heerkaaga kolostaroolka meel ku hayso. Dhin milixda si aad u caawiso inaad maamusho daqadka dhiigaaga ee sareeya, mid kale oo ka mid ah sababaha ka qeybqaata wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn.
  • Jimicsi: dhaqdhaqaaqa jidhka oo si joogto ah loo sameeyo ayaa kaliya ka qeyb qaadan inaad miisaankaaga maamusho, ee waxay kaa caawisaa sidoo kale inaad nolosha ku faraxsanaato. La tasho dhakhtar/kalkaaliso ama shaqaalaha farmasiiga intaanad bilaabin mid ka mid ah noocyada jimicsiga ama isboortiga, si aad u ogaato inaanay khatar aheyn marka xaaladaada laga eego iska ilaali ciyaaraha daqaalka iyo quusida dabaasha.
  • Istareeska: wadne garaaca yar ee aan joogtada aheyn waxa uu inta badan ku dhacaa dadka istareeska qaba. Isku dey inaad hesho hab aad ku maareyso istareskaaga oo aad jimicsina ugu darsato nolol maalmeedkaaga.

TALOOYIN INTERNEDKA

Blodproppsskolan
www.blodproppsskolan.se

STROKE-riksförbundet
www.strokeforbundet.se

Hjärt- och Lungsjukas Riksförbund
www.hjart-lung.se

Anticoagulation Europe
www.anticoagulationeurope.org

Atrial Fibrillation Association
www.afa-international.org

1177 Vårdguiden
www.1177.se

Ururka dadka qaba xinjiraha xididada jidhka dhexdiisa
www.blodproppar.se

Eliquis® waxay ka mid tahay koox daawooyin ah oo loo yaqaan lidka xinjirowga (dhiiga khafiifiya). Daawadan waxay ka qeyb qaadataa inay ka hortagto sameysanka xinjiraha iyadoo xayiraysa Faktor X-ka kaas oo ah qeyb muhiim u ah xinjirowga dhiiga. Maadada waxtaraysa ee Eliquis® waxa loo yaqaanaa apixaban. Eliquis® waxa lagu heli karaa kiniin leh awood 2.5 mg iyo 5 mg. Eliquis® waxa loo isticmaalaa dadka waaweyn: 1 si looga hortago xinjirowga (qotoda dheer ee xididka jidhka dhexdiisa, DVT) sameysanta ka dib qaliin misigta ama jilibka. 2 Si looga hortago sameysanka xinjirta ku samaysanta wadnaha ee bukaan socodka leh garaaca wadnaha aan cadiga aheyn (förmaksflimmer) iyo khatar kale oo dheeraad ah. Xinjirta ayaa go’ i karta iyadoo uu dhiigu u qaadaayo maskaxda halkaas oo ay keenayso istroog, ama xubnaha kale iyo ka hortageysa socodka dhiiga xubnaha ee caadiga ah. 3 Si loogu daaweeyo xinjiraha xididdada halbowlayaa shadhiiga ee lugaha (xididada qotoda dheer ee jidhka dhexdiisa) iyo xididada sanbabada (xididada sanbabka dhexdiisa) iyo sida looga hor tago xinjirowga ku soo noqnoqnaaya xididada lugaha iyo/ama sanbabada. Ha isticmaalin Eliquis® haddii: aad xasaasiyad ka qabto apixaban ama mid ka mid ah waxyaalaha ay ka sameysan tahay daawadaasi, aad dhiigbaxdo, aad qabto cudur mid ka mid ah xubnaha jidhkaaga kaas oo kor u qaadaaya khatarta dhiig bixista xun (sida nabar caloosha ama mindhicirka oo jirey ama mid cusub, dhiig furan maskaxda oo hadda kugu dhacay), haddii aad leedahay xanuun beerka oo keenayso khatar dhiig bixis, aad qaadanayso daawo aad kaga hortagayso xinjir (tusaale ahaan warfarin, rivaroxaban, dabigatran ama heparin), marka laga reebo inaad badalayso daaweynta dhiig furfurtista ama xiliga aad leedahay tuubada arooriyaha ama halbowlaha iyadoo lagu siinaayo herparin si ay taas u furnaato, aad leedahay khaanadaha wadnaha oo laguu galiyey.

Wixii macluumaad buuxa ee ku sabsan Eliquis®, si buuxda u akhri warqada lifaaqan daawada (eeg xataa www.fass.se). Qoraalkan waxa uu ku salaysan yahay warqada ku lifaaqan daawada ee Nofeembar 2016.

Bristol-Myers Squibb AB, +46 (0)8-7047100, www.bms.se
Pfizer AB, +46 (0)8-550 52 000, www.pfizer.se

EUAPI265