Kahortagga in dhiiggu xinjiro yeesho
kadib markii beddel lagu sameeyo
lafta sinta ama jilibka

Buugyarahaan wuxuu ka kooban yahay xog loogu talagalay
dadka loo qoray ELIQUIS® oo ka hortagta dhiiggu inuu xinjiro
yeesho (apixaban) kadib marka lagu sameeyay qalliin
lagu beddelayo sinta ama jilibka

Si taxaddir leh u akhri macluumaadka ku qoran
xaashida macluumaadka bukaanka

Waxaad heshay buuggaan maadaama dhaqtarkaagu uu kuu soo qoray Eliquis® si xinjirowga dhiigga looga hortago kadib marka lagugu sameeyo qalliinka lagu beddelayo sinta ama jilibka.

Eliquis® waxay ka ciyaari doontaa dawr muhiim ah soo-bogsashadaada ayadoo ka hortagaysa xinjirowga dhiigga. Buugyarahaan wuxuu sharraxayaa sida ay u shaqeyso wuxuuna ku siinayaa aalado xoogaa ah oo ah kaalmaati ahaan waqtigaan inta uu socdo. Waa inaad sidoo kale aqrido warqadda xogta ee xirmada ee kujirta baakadda dawada. Waxaad sidoo kale tani ka heli kartaa www.fass.se. Waxaad sidoo kale macluumaad dheeri ah oo ku saabsan daaweynta Eliquis®, agabyo talooyin waxkuool ah iyo macluumaad ka heli doontaa www.eliquispatient.se

1. Dhiig xinjirow (thrombus)
2. Xidid


WAA MAXAY VENOUS THROMBOEMBOLISM?

Erayga “venous” wuxuu muujinayaa wax la xiriira xididdo (xididada dhiigga ee dhiigga dib ugu qaada wadnaha). Xinjirow wuxuu dhacaa markii xididadda dhiigga ee dhiigga ku dhex qaada jirka ay xirto xinjir dhiig ah. Haddii dhiig xinjirow uu meesh uu ku samaysmay ka dabco uuna raaco dhiigga ilaa guntintu ku dhiiqato xidid dhiig oo ciriiri ah oo meel kale oo jirka ah, waxaa loogu yeeraa xirmid.

Dhiig xinjirow qoto dheer oo xididka gudihiisa ah (DVT) waa guntin dhiig ah oo xinjir ah oo ku samaysantay xididada qotada dheer ee lugaha ee dhexmara murqaha kubabka iyo cajarrada.

Dhiig xinjirow qoto dheer oo guntin ah wuxuu xiri karaa qulqulka dhiigga xididka dhexdiisa ah gebi ahaanba ama qeyb ahaan, wuxuuna sababi karaa calaamado sida xanuun, iyo jileec iyo barar ah kubka Mararka qaarkood kubka wuxuu noqdaa mid diirran oo cas, xaalado kalena markii ay jiraan wax calaamado ah lama ogaado gebi ahaanba oo DVT qofka laguma soo sheego ilaa dhibaato caafimaadi ka dhacdo, sida xinjir dhiig ah oo sambabka fariisata (pulmonary embolism).


Astaamaha caanka ah ee xinjirowga dhiigga ee lugta:

  • kubka ayaa bararayo oo kululaanayo, mararka qaarkoodna wuxuu noqonayaa casaan ama midabka ayaa ka luma

  • waxaad dareemi kartaa in lugta culus tahay

  • lugta ayaa xanuunayso, gaar ahaan marka la socdo oo la isticmaalayo muruqaha kubka

  • kubku wuu jilcan yahay balse wuu kacaa haddii la riixo

  • xididada dhiigga ee dusha sare ee lugta aad ayaa loo arki karaa weyna jilicsan yihiin

  • qandho meel dhexaad ah

Waa muhiim inaad hesho daaweynta xinjirowga dhiiggaaga maadaama ay fuqi karto oo ay tagi karto sambabada, taasi oohorseedi karta dhibaato xagga neefsashada ah.

Xinjir dhiig ah oo sambabka fariisata, dhiiggii xinjiroobay ee guntamay ayaa kasoo jajaba xinjirihii dhiigga ee sida qotada dheer u fariistay xididada waxaana loo soo safriyaa xididada kuwaasi kasii dhuudhuuban ee sambabada dhexdooda ah halkaas ayayna ku dhiiqdaan. Tani waxay sababtaa in qulqulka dhiiggu ka joogsado qeyb sambabka ka tirsan. Calaamadaha xinjir dhiig ah oo sambabka fariisata waa xabad xanuun, neeftoo dhib ku noqota qofka, qufac ama aydin ku taagan xabadka markii uu neefsanayo. Haddii aad isku aragto calaamadahaas, waa inaad la xiriirto xarun caafimaad durba.

Venous thromboembolism (VTE) waa eray ka kooban dhiig xinjirow qoto dheer oo xididka gudihiisa ah iyo xinjir dhiig ah oo sambabka fariisata.

Xinjiraha dhiigga ee ku samaysma xididada lugaha ama miskaha ayaa fuqi kara oo raaci kara dhiigga waxayna ku dhegi karaan sambabada. Dhibaatooyinka neefmareenka oo kedis ah, qufac ama aydin aad ka dareento xabadka markii aad neefsanaysid ayaa waxay muujin karaan in xinjir dhiig ah ay dhiiggaaga u raacday sambabbada ayna ku dhegtay halkaa.

WAA MAXAY SABABTA KEENTA VENOUS THROMBOEMBOLISM?

Adkaanshaha dhiigga ayaa ah hannaan dabiici ah oo dhiig baxu ku joogsado. Dhaqdhaqaaqa murqaha lugtu wuxuu gacan ka geystaa dibu celinta dhiigga asagoo maraya xididada qotada dheer ee luga ilaa wadnaha socda, si uu usii socdo qulqulka dhiigga ee caadiga ah. Haddii dhiiggu bilaabo inuu u socdo aayar xididada dhexdooda, wuu adkaan karaa oo noqon karaa xinjiro dhiig ah. Tani waxay badi dhacdaa waqtiyada dhaqdhaqaaqa qofku yaryahay, sida inta qalliin uu ku socdo ama qalliinka kadib. Halista loogu jiro xinjiraha caynkaas ah ee dhiigga ayaa sidoo kale siyaadda kadib markii la sameeyo qalliin wayn, maadaama awoodda dhiiggu xinjir ku noqon karo ay siyaaddo markii dhiiggu iskudayo inuu joojiyo dhiig baxa iyo inuu buskeeyo xididada dhiigga ee la dhaawacay intii qalliinku socday.



Xataa haddii qof walba oo qalliin lagu sameeyo uusan asiibi karin xinjirowga dhiiggu, xaalad halis ah ayaa uu gali karaa qofkii uu asiibo. Tani waa sababta ay dhabtii muhiim u tahay in la iskudayo in laga hortago xinjiro dhiig ah inay gebi ahaanba samaysmaan.

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA VENOUS THROMBOEMBOLISM?

In si digtoonaan leh loo fariisto oo dhabarku ligan yahay, sigaar cabbid iyo miisaanka jirka oo aad u culus waa qaar ka tirsan sababaha kordhin kara halista loogu jiro xinjirowga dhiigga. Halista loogu jiro xinjirowga dhiigga waxaa lagu dhimi karaa siyaabaha soo socda:

Dhaqdhaqaaqa lug iyo gacan: Dhaqtar gacanta wax ku daaweeya ee aan dawo isticmaalin ayaa kuu dejin doona barnaamij aad raaceyso qalliinka kadib. Inaad u jimciso murqaha cagta iyo lugta waxaad gacan sidaasi uga geysanaysaa inuu sii socdo qulqulka dhiigga ee caadiga ah oo meel qoto dheer oo xididada ah gaara. Kala jiid oo god cagta in badan intii aad awooddo. Waxaa ugu wanaagsan inaad istaagto oo aad isa soo goddo qabatana suulasha cagaha, haddii aad awooddo.

Culeyska: Haddii culeyskaagu aad u badan yahay, way wanaagsan tahay haddii aad culeyskaaga dhimi karto.

Tubaako: Sigaar ha u dhawaan.

Joojiyeyaasha xinjirowga dhiigga (dawooyinka looga hortago dhiiggu inuu adkaado): Dawooyinkaan waxay dhimaan awoodda dhiiggu xinjir ku noqonaayo si loo dhimo halista loogu jiro xinjirowga dhiigga. Dawooyinka qaarkood cirbad weeye, qaarna waa kaniinno iyo kaabsool.

Dhaqtarkaaga ayaa laga yaabaa inuu doorbido mid ama wax ka badan oo ah tillaabooyinka kahortagga si loo dhimo halista loo gali karo venous thromboembolism. Kala hadal kooxdaada daryeelka haddii uu jiro wax kale oo ay tahay inaad ka fakarto si loo dhimo halista loo gali karo xinjirowga dhiigga.

KUSAABSAN ELIQUIS®


Waa maxay sababta dhaqtarkaagu kuugu soo qoray Eliquis®?

Eliquis® waxaa loo qoraa bukaannada si looga hortago dhiiggu inuu xinjiro noqdo kadib qalliin lagu beddelayo lafta sinta ama jilibka.

Eliquis® waxaa kujirta maado looga hortago adkaanta dhiigga oo lagu magacaabo apixaban waxayna ka tirsan tahay nooca dawooyinka ee loo yaqaan kahortageyaasha dhiiggu inuu adkaado (Joojiyeyaasha xinjirowga dhiigga).

Eliquis® waxay gacan ka geystaan kahortagga dhiig xinjirowga ayagoo horjoogsada mid ka mid ah walxaha keena in dhiiggu adkaado (sababta Xa).

Sideebaa Eliquis® loo qaadanayaa?

Waa inaad mar walba u qaadato Eliquis® sida saxda ah ee dhaqtarkaagu kuu sheego. Haddii aadan hubin la tasho dhaqtarkaaga ama farmashilaha.

Daweynta looga hortago xinjirowga kadib markii la sameeyo qalliinka lagu beddelayo lafta sinta ama jilibka, kuurada caadiga ah ee Eliquis® waa hal kaniini oo 2.5 mg ah oo la qaato labo jeer maalintii, tusaale ahaan hal subixii ah iyo hal fiidkii ah. Iskuday inaad kiniinnada qaadatid isla waqti maalin kasta.

Waa inaad ku liqdid kaniinka Eliquis® galaas biyo ah ama intaad burburiso ayaad biyo ku qasi kartaa. Waxaad liqi kartaa adiga oo wax cunay ama aan waxba cunin. Waa arrin dhib uusan kujirin in kaniinnadaEliquis® lagu rido sanduuqa yar ee kaniinnada lagu rito.

Muddo intee dhan ayaa dawada Eliquis® yaaleysaa?

Inta ay qaadanayso daaweyntu waxay ku xiran tahay nooca qalliinka ah ee lagugu sameeyay. Mar walba raac talada dhaqtarka, Ha joojin cunidda dawadaada haddii uusan dhaqtarku jooji ku oran. Mar walba u sheeg dhaqtarkaaga, dhaqtarka ilkaha ama kalkaaliyaha caafimaadka inaad isticmaasho Eliquis®.

SU’AALAHA IN BADAN LA ISWEYDIIYO


Maxaad samaynaysaa haddii aad illowdo qaadashada daawada?

Haddii aad illowdo inaad qaadato intii aad ka qaadan lahayd Eliquis®, qaado kaniinka durba markii aad soo xasuusato. Intaa kadib qaado Eliquis® ka xiga kaniinka ah waqtigii caadiga ahaa, una sii wad sidii caadiga ahayd. Haddii aadan hubin, weydii dhaqtarkaaga ama farmashilaha.

Maxaad sameynaysaa haddii aad qaadatay Eliquis® aad u badan?

Durba la tasho dhaqtarkaaga haddii aad qaadatay intii laguu soo qoray wax ka badan oo ah Eliquis®. U keen baakadda dawada dhaqtarka, xataa haddii kaniini uusan ku harin. Haddii aad qaadato Eliquis® ka badan intii lagugula taliyay waxaad si halis korodhsan ugu jiri kartaa dhiig-bax.

Waxyaabaha ay tahay in la xasuusnaado markii la isticmaalayo®

Xaqiiji inaad u sheegto dhaqtarkaaga haddii aad isticmaasho wax kaloo dawoooyin ah, oo ay ku jiraan dawooyinka farmashiga ayadoon laguu soo qorin aad kasoo gadan karto iyo daawo dhireed (sida tan loo yaqaano St. John’s Wort). Daawooyinka iyo kaabayaasha nafaqada qaar ayaa laga yaabaa inay farageliyaan saameynta kahortagga xinjirowga ee daawada Eliquis® waxayna kordhin karaan halista dhiig-baxa ama waxay yarayn karaan waxtarka daawada. Waxaad ka heli doontaa liiska dawooyinka laga yaabo inay saameyn ku yeeshaan Eliquis® warqadda xogta ee ku jirta gudaha baakadda dawada.

Waa inaadan qaadan Eliquis® haddii aad uur leedahay, aad cunug nuujiso ama aad qabto cudur beerka asiibay ama dhibaato la xiriirta dhiig bax. Hadaba, fadlan u sheeg dhaqtarkaaga haddii wax un ka mid ah waxyaabahaas uu ku khuseeyo.

WAXYEELADA DAAWADA EE IMAAN KARTA


Sida dhammaan dawooyinka oo dhan, Eliquis® waxay yeelan karaan waxyeelo.

Waxaad wax badan oo ku saabsan waxyeelada daawada ka akhrisan kartaa xaashida macluumaadka bukaanka ee ku jirta baakada daawadaada.

Eliquis®, sida dawooyinka kale ee ka hortaga dhiig xinjirowga, waxay siyaadiyaan halista dhiigbaxa loogu jiro, oo uu kujiro dhiigbax halis ah oo durba u baahan daweyn.

Waxyeelada kale ee ka imaan kara daawada waa nabaro, dhiig ku jira kaadida (kaasi oo midabka kaadida ka dhigayo binki ama guduud) ama san goror. Lallabbo ayaa sidoo kale imaan karta. Haddii uu jiro dhiig-bax lama filaan ah, waa inaad la xiriirtaa dhakhtarkaaga ama kalkaalisada.

Nasiib wacan iyo dhaqan celintaada!

QORAAL











Eliquis® waxay ka tirsan tahay koox daawooyin ah oo loo yaqaan kahortagayaasha xinjirowga dhiigga (dhiig khafiifiyeyaal). Daawadani waxay gacan ka geysataa kahortagga inay xinjiraha dhiigga sameysmaan iyadoo xannibayso shayga loo yaqaan “Xa’ kaasi oo qayb muhiim ah u ah xinjirowga dhiigga. Shayga / walaxa daawaynta leh ee kujira daawada Eliquis® waxaa loo yaqaan apixaban. Eliquis® waxaa lagu heli karaa kiniinno xuub lagu duubay oo awooddoodu ay tahay 2.5 mg iyo 5 mg. Eliquis® waxaa loo qoraa dadka waaweyn: 1. Si looga hortago in xinjiraha dhiigga (xinjirowga dhiigga ee xididada qotada dheer, DVT) ay sameysmaan kadib qalliinka misigta ama jilibka. 2. Si looga hortago in xinjiraha dhiigga ku sameysmaan wadnaha bukaanada qaba wadna garaac aan caadi ahayn (cudurka wadno garaaca aan caadiga ahayn) iyo ugu yaraan in laga hortago hal shay oo kale. Xinjiraha dhiigga way soo fuqi karaan oo waxay gaari karaan ilaa maskaxda halkaasi oo ay sababayaan faalig, ama waxay gaari karaan xubnaha kale oo waxay kahortagi karaan in dhiigga sidii caadiga ahayd u gaaro xubnahan. 3 Si loo daweeyo xinjirowga dhiigga ee xididdada lugta (xinjirowga dhiigga ee xididka qotada dheer) iyo xididdada dhiigga ee sambabka (xanibka halbowlaha sambabka) iyo si looga hortago in xinjirowga dhiigga ku soo laabto xididaha dhiigga ee lugta iyo / ama sambabada. Ha isticmaalin Eliquis®: haddii aad xasaasiyad ku leedahay apixaban ama maaddooyinka kale ee kujira daawadan ama haddii aad qabtid dhiig-bax socdo, haddii uu cudur kaa hayo xubin jirka ka mid ah kaasi soo kordhinayo halista dhiig-bax daran (sida boogta caloosha oo aad haddeer qabtid ama dhawaan kugu dhacday, dhiig-bax dhowaan kaaga dhacay maskaxda), haddii aad qabto cudur beerka ah oo horseedayo in halista dhiig-baxa ay kororto (xinjirowga beerka), haddii aad qaadanayso wax ah daawo looga hortago xinjirowga dhiigga (sida warfarin, rivaroxaban, dabigatran ama heparin), marka laga reebo markaad iska beddeleyso daaweynta dhiig khafiifiyeyaasha ama marka faleembo lagaa gelinayo xididka ama halbowlaha dhiigga oo aad helayso heparin si looga dhigo xididka mid furan ama haddii tuubo lagaa galiyo xididka dhiigga (gelinta kateetarka) si loo daaweeyo wadne garaac aan caadi ahayn (arrhythmia). La hadal dhakhtarkaaga, farmashiistaha ama kalkaalisadaada kahor intaadan qaadan daawadan: haddii aad qabto cudur kelyo oo daran ama lagugu sameynayo sifeynta kelyaha, haddii aad dhibaato ka qabtid beerkaaga ama aad horay u qabtay dhibaatooyin beerka ah, haddii uu kugu jiro kadinka wadnaha oo aan dabiici ahayn ama haddii aad ogtahay in aad qabtid cudur loo yaqaan anti-fosfipiplipid syndrome (cudurka nidaamka difaaca jirka, ee kordhiya halista ah inaad qaadid xinjirowga dhiigga). Si aad u hesho xog buuxda oo ku saabsan Eliquis®, si taxaddar leh u aqri warqadda xirmada ee la jirta baakadda (sidoo kale eeg www.fass.se).

Bristol Myers Squibb, 08-704 71 00. Pfizer AB, 08-550 52 000.

Nooca 4

432SE2100916-01, 432SE2008250 PP-ELI-SWE-1621 Oktobero 2020

1